Muqdisho (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa muddo kordhin u sameeyay ergooyinkii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, kadib markii waqtigii Al-Shabaab ay u qabteen ay ku ekayd Sabtidii shalay.
Warbaahinta ku hadasha Afka maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sheegtay muddo 10-cisho ah in loogu daray ergooyinkaasi inay isaga diiwaangeliyaan deeganada Al-Shabaab ay Maamulaan ee Gobolada dalka Soomaaliya.
Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen Ergooyinka isdiiwaangeliyay inay gaarayaan 635, balse deegaannada Al-Shabaab ay Maamulaan ay ku sugan yihiin 213 Ergo.
Waxa ay sheegeen maalmaha soo socda in la filaayo ergooyinkaasi inay ka faa‘iideystaan cafiskii Ururka Al-Shabaab ay u fidisay.
Magaalooyinka ay joogaan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo bandhigay Ergooyin kala duwan oo ka kala tagay Maamulada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
Ugu dambeyn, muddo 10-kaan cisho ee Al-Shabaab ay siiyeen ayaa waxaa la filayaa in ergooyinkaasi ay ku gaareen deeganada Shabaabka ay Maamulaan.
Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com






