Monday, June 1, 2026
26.9 C
Mogadishu

XOG CUSUB: Ciidamo kale oo AMISOM oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb & DF Somaliya oo damacsan in…

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Sida wararka aynu ku haleyno waxaa magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud la soo sheegayaa in maanta ay magaaladaasi ku wajahan yihiin Ciidamo hor leh oo ka tirsan AMISOM.

Ciidankaan oo ka tirsan kuwa Jabuuti ee Hiil walaal ayaa waxa ay ka baxayaan Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo Saldhigooda wayn uu ku yaallo.

Ciidamadan oo sugaya ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in la sii kordhinaayo tiradooda, maadaama hadda kuwa jooga ay yihiin kuwa yar.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya Ciidamada Amisom la dajiyay meelo ka mid ah Magaalada Dhuusamareeb, sidaasina amniga Magaalada ku sugayaan.

DF Soomaaliya ayaa bixisay amarka ah in Ciidamada Amisom la geeyo Magaalada Dhuusamareeb, si loo sugo ammaanka Shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo dhawaan ka furmaayo Magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...