Tuesday, June 2, 2026
28 C
Mogadishu

Madaxda Sare ee Somaliland & D/Hoose ee Hargeysa oo isku khilaafay dib u…

Hargeysa (Halqaran.com)- Khilaafkaan oo salka ku haaya dib u dhiska suuqii gubtay ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa Xukuumadda Somalaland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo dowladda hoose ee magaalada Hargeysa.

 

 

 

labada dhinac ayaa Warbaahinta isku weydaarsaday haddalo kale duwan, kuwaas oo xaqiijiyey jiritaanka khilafkaas u dhexeeya Xukuumadda iyo Golaha Deegaanka Hargeysa xilli howlo nadaafadeed ay ka socdaan Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

 

 

Maamulka Dowladda Hoose ee Hargeysa oo uu khilaafka kala dhexeeyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ku doodaya in looga dambeeyo howlaha shaqo ee Suuqa ,islamarkaana aysan soo faragelin Madaxtooyada, halka Xukuumadana ay rabto inay maamusho dib udhiska Suuqa gubtay ee Waaheen.

 

 

 

Wasiirka Howlaha guud ee Somaliland Cabdilaahi Abakor oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in howlaha nashqadaynta iyo dib u dhiska suuqa Waaheen ay iyagu leeyihiin, isagoo xusay in qandaraaska ay u gudbin doonnaan guddida qandaraasyadda , taasi oo ka careeysiisay dowladda hoose ee Magaalada Hargeysa.

 

 

 

 

“ Shaqadan  shaqo Xukuumaddu qabanayso maaha, shaqo ay Dawladda hoose qabanayso maaha ,shaqada cidda qabanaysaa nidaam ayey maraysaa ,markay nashqadeeda samayso Wasaarada Hawlaha guud iyo guriyeyntu waxa lagu soo wareejin doonaa Guddida qandaraasyada qaran , iyadaa waajibaad keeda sharci ka gudan doonta…”ayuu yiri Cabdilaahi Abakor.

 

 

 

 

Dhankeeda Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa oo qoraal ay arrintan kaga hadleyso soo saartay ayey ku sheegtay in marka la dhammeeyo nadiifinta Suuqa gubtay ee Waaheen inay bilaabayso dhismihiisa.

 

 

 

Ugu dambeyn Dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ku baaba’ay hanta gaareysa ilaa 2 Bilyan oo Dollar, waxaana hadda Suuqa ka socda howlo nadaafadeed oo ay wadaan dowladda Hoose ee Magaalada Hargeysa.

 

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...