Sunday, July 19, 2026
25.3 C
Mogadishu

Dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalad Beleweyne (Maxaa Sababay Dagaal kaasi?)

Beleweyne (Halqaran.com)- Dagaal Kooban oo khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa maanta waxaa uu ka  dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii ay dagaalameen ciidammada ilaalada madaxtooyada Baladweyne iyo Ciidama kale oo Gadoodsan.

 

 

Sida wararka ay sheegayaan Dagaalka ayaa ka dhshay kadib markii Afaafka hore ee Xerada lamagalaay ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka bilaabeen Ciidama   ku labisan dharka Ciidanka Malatariga, kuwaas oo ka careeysan in la xiro doorashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#010, ayaga oo dalbaday in laga dhigo doorashada kursiga mid furan oo ay u tartamid karto cid kasta.

 

 

Dagaalkaan ayaa waxaa ku dhintay  hal askari oo labada dhinac ah , halka labo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahayn oo ku sugan Magaalada Beledweyne.

 

 

Madaxweyne Guudlaawe oo Baladweyne tagay 6 Febraayo 2022 ayaa sheegay in uu xalin doono tabashooyinka reer Hiiraan ay ka qabaan hab maamulka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle asiga oo carrabka ku dhuftay in uu la fadhiisanayo cid walba oo wax ka tabaneyso.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...