Beledweyne (Halqaran.com)- Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay habraaca iyo jadwalka doorashada 11 kursi oo lagu dooranayo magaalada Beledweyne.
Guddiga ayaa sheegay in doorashada kuraastan la qaban doono 8 iyo 9 bishaan Maarso ee sanadka 2022-ka, si loo dadajiyo doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Maamulka Hirshabeelle ayaa si dardar leh ku wada doorashada Golaha Shacabka Barlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana Baladweyne lagu doortay Xildhibaano farabadan oo kamid noqonaya Baarlamaanka SOomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





