Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa fasaxay lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo doorashadoodu maalmo kahor ka dhacday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Guddiga ayaa sheegay in doorashada Kuraastaas aysan ka jirin cabasho rasmi ah oo ka timid ama ay diiwaangeliyeen.
Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa horey u hakiyey qabashada doorashada koraas uu ka mid yahay kursigan tirsigiisu yahay HOP86 oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaana hore ugu fadhiyey kursigaas Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com





