Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

Fahad Yaasiin Xaaji oo loo doortay Xildhibaan ka mid ah Golaha Shacabka

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa ka  bilaabatay doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

 

Kursigii ugu horreeyay ee lagu doorto Magaalada Beledweyne ayaa waxaa uu noqday kursiga Hop#086 kaas oo uu ku guuleystay la taliyaha dhinaca amniga Qaranka ee  Madax weyne Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

 

Taliyihii Hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir  oo ku Guuleystay Korsigan ayaa  waxa uu helay 70 cod, halka musharixii la tartamayey uu helay 24 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 3 cod.

 

Sido kale Kurigan  uu Maanta  ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaa horay ugu fadhiyay Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa waxaa uu noqday kursiga ugu saameynta badan doorashooyinkii ka dhacay dalka.

 

Fahad Yaasiin ayaa ku biiraya saraakiisha ku soo guulestay  Doorashada Baarlamaanka 11aad  in ay ka mid noqdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Saraakiishii ay iskala soo shaqeeyeen hayada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee  NISA.

 

 

Waxaa ka mid ah Saraakiishaasi Agaasimaha Ku meel gaarka ah ee NISA Yaasiin Fareey  iyo Kulane Jiis oo ah saraakiisha ugu awooda badan Hayada Sirdoonka.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...