Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

Magaalada Baraawe Oo Maanta La Qabtay Qaar ka mid ah koraasta Golaha shacabka

Baraawe(Halqaran.com) – Magaalada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ka dhacday doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, kuwoodii ugu dambeeyay ee yaalla Magaaladaas.

 

Doorashada kursiga koowaad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#062, waxaana ku soo baxay Aweys Maxamed Cumar kaas oo helay 80 cod halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Abuukar Maxamud Macalin Cumar uu heley 20 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.

 

kursiga labaad kaas uu tirsigiisa uu yahya HOP# 251, waxaana ku guuleysatay markale Nuuracayn Khaliif Sheekh Abuu ayaa heshay 90 cod halka musharaxii la tartamaysay oo aheed Faaduma Abuukar Shekh ay heshay 8 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.

 

kursiga seddexaad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#195, waxaa ku soo baxay Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) kaas oo helay 82 cod halka Musharaxii la tartamayey oo ahaa Nuur Cali Nuur uu helay 19 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT koonfur Galbeed.

 

kursiga afaraad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#087, asiga oo ku guuleystay Dr Cali Saciid Faqi oo ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS, asiga oo helay 80 cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Nuur Cumar Aadan uu helay 16 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.

 

kursiga shanaad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#057, kaas oo ku soo baxay Muqtaar Axmed Xasan, asiga oo helay 87 cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Iidle Ibraahim Nuur uu helay 7 cod, waxaana halaabay 1 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT Koonfur Galbeed.

 

kursiga lixaad kaas uu tirsigiisa uu yahay HOP#194, asiga oo markale ku soo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS Xamza Saciid Xamza kaas oo helay 83 cod halka musharaxii la tartamayey oo ahaa Qasaali Fiqi Abuu uu heley 12 cod. Sida uu ku dhawaaqay SEIT koonfur Galbeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...