Tuesday, May 26, 2026
28.1 C
Mogadishu

Cali Guudlaawe oo Heshiis Rasmi ah Lagaaray Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

Baledweyne (Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku Xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Nabadoonada iyo Waxgaradka mid ka mid ah beelaha dega Gobolka Hiiraan, ee tabashada ka qabay Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 

Madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashii ay ka qabeen iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajir Dowladnimada.

 

 

Sido kale Heshiiska uu Guudlaawe la gaaray Odayaasha ayaa imaanaya ka gadaal markii uu gaaray Baladweyne asiga oo ka hadlay Munaasabad lagu soo dhaweynayay uu sheegay in uu diyaar u yahay inuu la fadhiisto Bulshada Baladweyne ee wax ka tabaneysa.

Muddo ka badan Sanad iyo bar ayay kasoo horjeedeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle in uu tago Beledweyne, hayeeshee ugu dambeyn uu maalin ka hor  ayuu tagay Magaalada Baledweyne.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Odayaasha waxa uuna sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen beesha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...