Sunday, June 7, 2026
26.3 C
Mogadishu

Dagaal xooggan oo ka dhacay Galgaduud oo Khasaare badan dhaliyay.

Xeraale(Halqaran.com) – Dagaal  aad xooggan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed ayaa waxaa uu Maalintii labaad  ka dhacay degaanka xeraale oo dhanka Galbeed ka xiga degmadda Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

 

Dagaalka oo ahaa mid aad culus ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

 

Dagaalka oo salka ku haaya arrimo la xiriira dul daaqsimeed ayaa daba socday dagaalkii shalay ka dhacay degaankaas, inta la xaqiijiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka waxa uu gaarayaa 20 Ruux oo dhimasho ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 30 kale.

 

Maleeshiyo Beeleedyadani ayaa kala hellaya Gurmadyo kala duwan taas oo dagaalka ka dhigtay mid qasaaro badan geysta.

 

Waxaa xusid mudan Dagaalkaan Khasaaraha badan dhaliyay  wali maamul Goboleed ka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada  kama aysan Hadlin, waxaana inta badan degaanada Hoos yimaada Degmada Balanbale iyo Xeraale  ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud kusoo laa-laabta dagaalada noocaas oo kale ah ee beelaha dhex-mara.

 

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase weli goobihii lagu dagaalamay isku horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac oo wada hub aruursi.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...