Sunday, July 19, 2026
27 C
Mogadishu

Doorashada lix Kursi ee Golaha Shacabka oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Jowhar(Halqaran.com) –Guddiga Maamulka dorashooyinka ee dowlad Goboleed  HirShabeelle ayaa Maanta Magaalada Jowhar waxa ay ku qabteen doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed SEIT Hirshabeelle ayaa horay u shaaciyay qabashada doorashadaan ayaga oo soo gabagabeeyay Diiwaan galinta Musharaxiinta iyo Shahaado siinta 30 Janaayo 2022.

 

Kursiga Koowaad ee HOP033 ayaa waxaa ku tartamay Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale) & Maxamed Xuseen Sabriye, waxaana kursiga ku guuleystay Yuusuf Ibraahim Afrax (Yuusuf Kabaale) oo helay codad gaaraya 69 -cod halka musharaxii la tartamayay ee Maxamed Xuseen Sabriye uu heley 22-cod, waxaana halaabayix Cod.

 

korsiga labaad waxaa ku guuleystay Maxamed Cumar Ceymooy  kursiga oo tirsigiisu yahay Hop#005 ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya.

 

Kursiga Saddexaad ee HOP052 ayaa waxaa qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Farxiyo Maxamuud Dhaqane & Musharrax kale oo tanaasushay, waxaana cod gacan taag ah ku guuleysatay codad gaaraya 93-cod Farxiyo Maxamuud Dhaqane.

 

korsiga Afaraad Dahabo Suusow Maxamuud ayaa ku guuleysatay kursigan oo  tirsigiisu yahay Hop#088 ee golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya oo doorashadiisu lagu qabtay  maanta magaalada Jowhar.

 

Kursiga Shanaad ee HOP097 ayaa waxaa markale ku guuleysatay Xidlhibaan Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye oo 20-kii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday kursigaas, waxaana u tartamida kursiga ka hartay  Musharrax Xildhibaan Baarliin Maxamuud Biin.

 

kursiga lixaad ee Hop#098 waxaa ku guuleystay  Maxamuud Maxamed Jimcaale oo horey ugu fadhiyay , waxa uuna ku guuleystay cod gaacan taag ah, kadib markii loo tanaasulay.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...