Monday, November 23, 2026
27.9 C
Mogadishu

Qarax xoogan ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga ee Puntland.

Boosaaso (Halqaran.com) – Hal qof ayaa ku dhintay dhowr qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray qarax   aad u xoogan oo ka dhacay meherad ku taalla xaafada Laanta-hawada ee magaalada Boosaaso.

 

 

Qarax oo la aaminsan yahay in uu ahaa nooc gacanta laga tuuro ayaa lala beegsaday Maqaayad lagu qayilo oo ay fariistaan saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland, sido kale dadka ku  dhaawacmay waxaa kamid ah  Talye ku-xigeenkii hore Booliiska Gobolka Bari Axmed Jaraale.

 

 

Ciidamada Booliiska Puntland qeybta Gobolka Bari ayaa soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, iyaga oo baaritaano sameeyay halkaasi.

 

Sido kale Maanta ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay Bartamaha magaalada Boosaaso ku dileen Talyihii Hore ee Kontoroolka magaalada, Barkhad Maxamed Jaamac, kaasi oo ay ciidamada ammaanka aysan dad u soo qaban.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...