Monday, November 23, 2026
27.9 C
Mogadishu

Ogaaw Sababta Dowladda Soomaaliya ay Ciidamo ugu daabushay Magaalada Beledweyne.(Akhriso)

Beladweyne  (Halqaran.com) –Diyaarad sidday Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa ka degtay Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeellle.

 

Ciidamadaan oo laba diyaaradood si kala gaar gaar ah looga daabulay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa laga dejiyay  Magaalada Beledweyne ee  Gobolka Hiiraan.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha xilligaan Ciidamada loo geeyay Magaalada Beledweyne maadaama dhinac ay kajoogaan Ciidamada la magac baxay Kacdoonka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabeelle, hayeeshee waxaa wararka aan helnay ay sheegayaan in Ciidamadaan ay ka qeyb qaadan doonaan sugida Amniga Magaalada oo lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka.
Sido kale Tallaabada Ciidamada looga qaaday Muqdisho, laguna  geeyay Magaalda Beladweyne ayaa lagu sheegay  iyada oo muddo sanad ah uusan Beladweyne tegin Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ay kasoo horjeedaan dadka degaanka iyo maleeshiyaad hubeysan.
Ugu dambeytii  Qorshaha dowladda Soomaaliya ay Ciidamada ku geeysay Magaalada Beladweyne ayaa kusoo beegmaya xilli 24-kii Saac ee la soo dhaafay Magaalada lagu arkay Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo horjeeda in Madaxweynaha Hir-Shabeelle uu tago Magaalada Beledweyne.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...