Saturday, May 2, 2026
29 C
Mogadishu

Abaarta ku dhufatay gobolka Gedo oo kasii dareysa

Garbahaarey(Halqaran.com) –Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay marayso tirada dadka gaajada iyo oonka ugu dhintay gobolka, arrintaas oo ka dhalatay xaalad darran oo abaar ah oo fara ba’an ku hayso deegaannada gobolka.

Dhawaan ayey aheyd markii Qaramada Midoobay ay sheegtay in abaartu saamaysay 80% Soomaaliya, iyadoo intaas ku dartay in abaarta ka jirta Soomaaliya ay kasii dari doonto labada bilood ee soo socda kadib markii ay yaraadeen roobabkii sannadkan waa sida ay hadalka u dhigeene.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay saameysay abaarta kaddib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta.

Qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa weli kajira abaaro baahsan, kuwaas oo saameeyay dad iyo duunyo, iyada oo aysan jirin gurmadyo xoogan oo dadka loogu gurmanayo.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...