Thursday, April 30, 2026
28.4 C
Mogadishu

Farmaajo oo u hambalyeey Macalimiinta Soomaaliyeed

muqdisho(Halqaran.com) –Madaxweynaha ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.

Madaxweynaha ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soosaaraan jiilal ku gaashaaman waxbarasho tayo leh taas oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Waxaan munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed hambalyo u dirayaa dhammaan bareyaasha Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa dadaalka joogtada ahaa ee ay ku bixiyeen Waxbarashada xilli aysan jirin dowlad ku garab istaagta, kana shaqaysa kor u qaadidda noloshooda, tayadooda iyo haqabtirka baahida waxbarasho.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay 4-tii sano ee la soo dhaafay dadaal ku bixisay tayaynta waxbarashada iyo dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, iyada oo la hirgeliyey Manhaj iyo imtixaan Qaran oo mideysan, korna loo qaaday miisaaniyadda waxbarasha dalka.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...