Saturday, May 2, 2026
28.4 C
Mogadishu

Dowlad Goboleedka Galmudug Oo Farriin U Dirtay Guddiga Doorashooyinka ee Maamulkaasi .

Dhuusamareeb(Halqaran.com) –Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka gobaleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maanta ku soo laabatey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kadib safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Guddigga doorashooyinka Galmudug in ay dadajiyaan doorashada gollaha shacabka ee kuraas ka mid ah taalo Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa degaanada Maamulkaas gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo ay Galmudug soo saartay shanta kursi ee ugu horreeysa doorashada Golaha Shacabka.

Cali Daahir ayaa Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka ugu baaqay ina la dedejiyo doorashada, isla markaana ay noqoto mid ku dhacda Cadaalad, lana soo dhaweeyo Musharaxiinta tartameysa ee Magaalada tegaya.

Madaxwayne ku-xigeenka Maamulka Galmudug oo soo laabashadiisa Safarka,  waxaa garoonka Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay  inta badan gollaha Wasiirada Galmudug ayaa Xarunta inji oo ay ku yaalaan tirada ugu badan ee Wasaaradda Galmudug kaga war qaatay Mas’uuliinta ay ka socotay Wasaaraddaha, Amniga, Beeraha, Biyaha, Dastuurka iyo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka kuwaa oo dhammaantood Warbixin guud ka siiyay howlaha u qabsoomey mudadii uu maqnaa ee doorashooyinka, xaaladaha Biyo yarida, Amniga doorashada iyo hannaanka ka hortagida falalka Amni daro ee ka dhici kara Deegaanadaasi.

ugu Dambeytii Guddiga doorashada Galmudug ayaa maalin kahor shaaciyay shanta kursi ee ugu horreeysa doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu sheegay in doorashada kuraasta loo qaban doono si dhaqsi ah.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...