Saturday, July 18, 2026
26.9 C
Mogadishu

Sacuudiga oo dib u furtay safaaradeedii Soomaaliya .

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in  dib loo furay Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay ka mahadcelineyso dadaalka dowladda Soomaaliya ee fududeynta dib u furista safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho ‘taas oo xaqiijinaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal.

Wasiirka arrimaha debadda ee Sacuudiga waxaa sido kale ay sheegtay  in dib u furista safaaradda ay door muuqda ka qaadaneyso xoojinta xiriirka labada dowladood iyo kor u qaadista wada shaqeynta labada dal.

Wafdi ka socda Sacuudiga ayaa bishii June booqasho ku yimid Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay u diyaar garowga furitaanka safaaradda oo muddo sanado ah ka shaqeyneysay dalka deriska la ah ee Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...