Wednesday, April 29, 2026
31.9 C
Mogadishu

Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Galmudug oo gaaray Xeraale.

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha Guddaha Galmudug ahna kusimaha Wasiirka mudane Axmed Xasan Cali “Axmed Dheere” iyo wafdi balaaran oo ka kooban howl wadeennada Wasaaradda ayaa soo gaaray magaalada Xeraale ee waqooyiga Gobolka Galgaduud, halkaa oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka wafdigan Wasaaradda arrimaha Gudaha ayaa la xiriira sidii loo dhamaystiri lahaa, loona sameynaa qiimeyntii labaad ee hannaanka degmaynta Xeraale, kaas oo dhamaystiri doona qiimeynti hore ay Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug uga sameysay Xeraale 6-bilood kahor, taasi oo Wasaraddu ku ogaaneysay in Xeraale buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa in ay yeelato degmo isku filnasho buuxda leh.

Bashiir Daahir Yuusuf, Guddoomiyaha Xeraale oo hor kacayay Mas’uuliyiin wafdigan ku soo dhaweeyay duleedka magaalada fiidnimadii hore ayaa sheegay in dareen gaar ah ay u hayaan howshan qiimeynta ah.

Cabdi Daahir Xuseen Wasiir kuxigeenka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug oo wafdigan kahor sii joogay Xeraale ayaa kaga mahadceliyay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor dardar galintiisa hannaanka degmooyinka cusub ee buuxiyay shuruudaha degmonimo.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug ahna kusimaha Wasiirka mudane Axmed Xassan Cali “Axmed Dheere” ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirto u kuurgelidda xaaladda magaalada iyo in magaaladu ay buuxisay sharuudihii degmanimo.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...