Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

Taliska Booliiska oo ka Hadlay is-rasaaseyn shalay ka dhacday Degmada Wadajir

Muqdisho (Halqaran.com) –Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey shaqaaqo shalay ka dhacday gudaha degmada Wadajir, taas oo ka dhalatay rasaas lagu furay gaari uu la socday guddoomiye ku xigeenka siyaasadda ee maamulka degmadaasi.

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka hadlayey dhacdadaasi ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenka uu si lama filaan ah ku soo dhex-galay shaqaaqo u dhexeysay ciidamo milatari ah iyo kuwa boolis ah, isla-markaana uu isna dhankiisa is difaacay.

“ Gudoomiye ku xigeenka Siyaasadda Wadajir waxaa uu si lama filaan ah uu kusoo galay shaqaaqo u dhaxeysay Militariga iyo Booliska, markii ay rasaastu la hubiyey ayuu durba iska difaacay asna ayuu yiri” Afhayeenka.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Shaqaaqada ka dhacday uu ku geeriyooday askari ka tirsan Ciidanka Booliska & iyo askari ka tirsan Millateriga oo kamid ahaa ragga weerarka soo qaaday halka laba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka Ciidanka Booliska waxaa uu ka digay in Magaalada Muqdisho dhexdeeda lagu wato Gaari ama Mooto Bajaaj taargo la’aan ah.

Sidoo kale, waxaa dhacdadaasi loo soo qabtay saddex ruux oo ay ciidamada Booliiska baaritaan ku wadaaan, sida uu sheegay af-hayeenka. Afhayeenka Booliiska ayaa digniin u diray dadka wata Mootooyinka iyo gawaarida aan sharciga wadan, isaga oo sheegay in ay tillaabo adag ka qaadi doonaan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...