Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

Cali Guudlaawe Maxuu kala Hadlay kaaliyaha Xoghayaha Guud QM ee Afrika

Muqdisho (Halqaran.com) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta hooygiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Madaxweyna Cali Guudlaawe iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Afrika, ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargalinta doorashooyinka dalka, xaqiijinta qoondada haweenka ee 30%, Amniga, mashaariicda horumarineed, dhibaatooyinka fatahaadaha ee soo noqnoqday iyo abaaraha.

Sido kale Kaaliyaha Xoghayaha guud ee QM arrimaha Afrika ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii daaha furneed ee aqalka sare ee ka dhacday Jowhar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...