Wednesday, April 29, 2026
29.9 C
Mogadishu

Agaasimaha Cusub Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda DFS Oo Xilka La Wareegay

Muqdisho (Halqaran.com) –Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya  Cabdulqaadir Clmi Cali (Cabdul) ayaa Maanta xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Koofi.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  aya Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.

 

Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa u mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi , isla markaana ku boggaadiyey shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda muddadii 6 sanno aheyd ee xilkaas uu haayay.

Gollaha Wasiiradda Xukuumadda  ayaa dhawaan ansixiyay xilka-qaadista Maxamed Aadan Koofi, oo uu soo jeediyay Wasiirka amniga C/llaahi Maxamed Nuur, waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa xili dalka uu ku jiro Xaalad  kala-guur ah .

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...