Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Maxaa ka ogtahay in TPLF oo la wareegtay magaalada muhiimka ah ee Dessie.

Dessie(Halqaran.com) – Ciidamada Jabhadda TPLF ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay qabsadeen magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie ee magaalada amxaarada ee dalkaasi  Ethiopia.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, oo wakaaladda wararka ee Reuters kula hadlay telfoon satellite ah ayaa sheegay in ciidankoodu uu kuwa dowladda ka saaray magaalada Dessie ayna ku sii wajahan yihiin magaalada Kombolcha.

Waxa uu sheegay in ciidanka TPLF uu gacanta ku dhigeen askar ka tirsan ciidamada Itoobiya.

Sidoo kale Afhayeenka dowladda Ethiopia, Legesse Tulu, ayaan ka jawaabin codsi ah in uu sheegashada TPLF ka hadlo. Wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay warisay in aysan xaqiijin karin sheegashada TPLF.

Agaasime iskuul ku yaalla Dessie ayaa sheegay in uu arkay ciidamada Ethiopia oo dib uga guranaya magaalada subaxnimadii hore ee Sabtida maanta ah, waxayna u bexeen dhanka magaalada Kombolcha, isagoo sheegay in korontadu ay magaalada ka go’an tahay ilaa Jimcihii.

Haddii la xaqiijiyo, la wareegista Dessie ayaa guul istiraajiyadeed u noqoneysa kooxda TPLF dagaalkeeda ka dhanka ah ciidamada dowladda dhexe ee dalkaasi oo isku dayaya in ay jabhadda ka saaraan gobolka Amhara.

Magaaladan ayaa ilaa 385 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, waana magaaladii ugu xaggeysa dhanka koonfurta ee gobolka Amhara ee TPLF ay gaarto tan iyo markii ay gulufkan ku bilowday gobolkan bishii July.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...