Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wasiirka amniga oo Maanta Shir gaddoomiyay Shir muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) –Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shir gudoomiyay shirka todobaadlaha ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’addu ku leedahey Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga ayaa warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Kuxigeenada, iyo Agaasime waaxeedyada Hey’adda. Shirka ayaa lagu soo bandhigey warbixinada shaqo ee todobaadkii la soo dhafaay iyo qorshayaasha todobaadka soo socda.

Sidoo kale, Shirka waxaa goobjoog ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda  Amniga ee XFS Farxaan Cali Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Yuusuf Cali Maxamed.

 

Ugu dambeyn Wasiirka Amniga ee XFS  Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa mahadcelin iyo bogaadin u soo jeediyay Madaxda iyo Saraakiisha HSJ shaqada adag ay qaranka u hayaan, isagoo xusay inuu xog ogaal u yahay duruufaha adag ay ku shaqeeyaan howlwadeenada Hey’addu. Ugu dambeyn Wasiirka ayaa kula dardaarmay Agaasinka Guud iyo Agaasimayaasha waaxyaya in la joogteeyo shaqada isla markaana muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeri.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...