Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Maxaa ka jira wararka sheegaya Gaari Dameero raashin siday oo lagu gubay duleedka Degmada Waajid+sawiro

Waajid (Halqaran.com) –Wararka ka imaanaya  gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in dab la qabadsiiyay toddobo gaari dameer oo siday badeecooyin kala duwan oo u rarnaa ganacsato, kuwaas oo u socday degmada Waajid ee isla gobolkaasi.

Urarka Al-Shabaab ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen dabka la qabadsiiyay gaari dameerada alaabaha u siday Waajid.

Sido Kale  Uruurka 260, Guutada 9 aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka ayaa waxaa ay Howlgallo ka fuliyeen duleedka Degmada Waajid ee gobalka Bakool,kadib markii  ay Urarka  Al shabaab  ku gubeen Gaari Dameero urarnaa Ganacsato dagan Degmadaasi.

Markii Ciidamada Xooga ay gaareen halkii ay ku dhibateeynayeen argagixisada , ayaa waxaa halkaas ka dhacay Dagaal udhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo  Al shabaab.

Degmadaan waajid  ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

ugu dambeyntii Inta badan Al-Shabaab ayaa go’doomiyey degmooyinka gobolka Bakool oo ay ugu horreyso magaalada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...