Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Ahlu-sunna oo la wareegtay Magaalada Guriceel iyo Xaalada oo aad U kacsan.

Guri-ceel(Halqaran.com) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in gacan ku heynta Magaaladaas ay la wareegeen Ciidanka Ahlusunna Waljameeca oo dib loo abaabulay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen magaalada, halkaas oo  ay haatan ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne oo soo dhoweeyey dib usoo laabashada  Ahlusunna Waljamaaca.

Talyaha Saldhiga Booliiska Guriceel ayaa la sheegay in uu isku dhiibay Ciidamada taabacsan Ahlu-sunna ee gudaha u galay magaaladaasi.

Dadka qaarkood oo la hadlay warbaahinta ay sheegaya inay ku faraxsan yihiin qabsashada Ahlusunna ee Magaalada.

Goobaha Ganacsiga ayaa xiran, waxaana wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Guriceel ay sheegayaan in Magaaladaas laga cabsi qabo inuu ka dhaco dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Ahlusunna.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib maalin kahor dagaal culus oo Ahlu Sunna iyo ciiddamada dowladda ku dhexmaray tuulada Bohol oo 20km u jirta magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...