Wednesday, April 29, 2026
31.9 C
Mogadishu

Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystay Gobol ka Gedo

Ceelwaaq(Halqaran.com) Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in saqdii dhexe ee xalay halkaas ay duqeymo diyaaradeed ka geysteen diyaarado dagaal oo leedahay dowladda Kenya.

Duqeynta diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaano hoostega degmada Ceelwaaq ee Gedo, waxaana sigaar ah loo duqeeyay deegaanada kala ah Warbeele, buralaha Samaroole iyo golgola Cali, halkaas oo ay ku laayeen  dad reer miyi ah oo xoola Dhaqata ah.

Ciidanka Kenya ayaa dhowr jeer duqeyn ka fuliyay Gobolka Gedo, waxyeellada ugu badan waxa ay u geystaan dadka rayidka ah inkasta oo Xukuumadda Nairobi ay dafirtay iyada oo sheegtay in ay ku beegsato Al-Shabaab.

Gobolka Gedo waxaa Kenya ka jooga ciidan ku howlgalla Magaca AMISOM kuwaas oo u diiwaangashay Ururka Midowga Afrika, balse mararka qaar waxaa xadka kasoo gudba askar aanay heysan fasaxa AU-da Iyo Soomaliya.

 

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Gedo iyo dowlad goboleedka Jubbaland oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...