Wednesday, April 29, 2026
28.4 C
Mogadishu

Saraakiisha Laamaha Amniga Dalka oo La Kulmay Fahad Yaasiin Xaaji

Muqdisho(Halqaran.com) La-taliyaha amniga qaranka, Fahad Yaasiin ayaa Xarunta Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka  Ee NISA kulan kula qaatay dhammaan saraakiisha laamaha ammaanka ee dalka.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha ciidamada Xoogga dalka, taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, taliyaha NISA ee dhowaan magacaabay Yaasiin Farey madaxweynaha, taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole.

Kulanka kahor dhammaan xubnihii madasha xaadiray marka laga reebo Duqa Muqdisho ayaa loo sheegay in ay banaanka uga soo tagaan taleefanada iyo Faraantiyadda ay wataan, si aan wax sawirro ah looga qaadin, maadaama Fahad uu xasaasiyad gaara ka qaaday sawirro baraha bushaada lagu faafiyay oo todobaadkii hore garoonka Jabuuti looga qaaday

 

“ Wuxuu si cad u sheegay in taliyaha NISA aan banaanka laga keeni doonin oo laga soo dhex saari doono oo kaliya saraakiisha NISA ee hadda shaqeysa, wuxuuna tilmaamay in 4-ta talis ciidan ay isaga hadda wixii ka danbeeya hoostagayaan maadaama laga dhigay lataliyaha amniga qaranka”

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkan intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, maadaama doorasho la galayo iyo xaaladaha soo kordhay ee dalka.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...