Baydhabo(Halqaran.com) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ayaa faah faahin guud ka bixiyay waxyaabihii aynka wada hadleen Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Amb, Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi, oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta-gareen iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya AMP Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo amniga.
Madaxweyne laftagareen waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen xiriirka dheer iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Arrimo la xiriira doorashooyinka socday.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay ka wada hadleen arrimo ku saabsan amniga guud ee degaannada Koonfur Galbeed iyo kan doorashooyinka, waxaana uu sicad u sheegay in dowladda Itoobiya ay uga duwan tahay dowladaha kale.



Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





