Muqdisho(Halqaran.com) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dadaallada lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee haatan ka socda magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in labada mas’uul ee ugu sarreyso dalka ay kulmayaan maanta, si ay wada-hadallo toos ah uga yeeshaan khilaafka u dhexeeya ee ka jira Villa Soomaaliya.
Kulanka ayaa diirada lagu saari doonnaa maamulka laamaha Amniga gaar ahaan booliska iyo hay’adda nabad sugida.
Sido Kale Dadaalladan ayaa waxaa hormuud ka ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo dhowaan soo gaaray gudaha caasimadda.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble ayaa ku soo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana uu dalka ku jiro marxalad adag oo kala guur ah iyo doorashooyin.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





