Friday, May 1, 2026
28.1 C
Mogadishu

Shariif Shekh Axmed oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya RW Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho(Halqaran.com) – Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shiikh Shariif ayaa waxaa uu Nasiib darrio weyn ku tilmaamay caqabadaha kasoo dhex cusboonaaday laabda mas’uul ee ugu sareyso dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa uu intaa ku daray in khilaafka iyo is qabqabsiga Rooble iyo Farmaajo uu caqabad ku yahay hannaanka doorashooyinka iyo sidii dalka ay kaag dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxaa uu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha in ay gaaraan xal dhab ah, ayna ka heshiiyaan waxyaabaha ay isku fahmi la’ayihiin, isagoo intaa ku daray mar waliba oo khilaafku sii xoogaysto ay doorashada dalka iyo xasiloonada guud ee dalka ay caqabado soo wajihi karaan.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...