Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

Wax Badan Ka Ogaaw Golaha Midowga Musharixiinta oo soo dhaweeyay Xilka Qaadista Taliyaha NISA.

Muqdisho(Halqaran.com) –Xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka oo war qoraal ah soo saaray ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isla-markaana uu shaqada uga joojiyey taliyihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin.

Golaha midowga musharixiinta ayaa tilmaamay in go’aankan uu fure u yahay inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax oo ay NISA shaacisay inay dileen xoogaga Al-Shabaab.

 

Goluhu waxa uu u arkaa in Go’aankaan shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Sidoo kale musharixiinta ayaa qoraalkooda ku sheegay in go’aankan uu yahay mid soo celinayo sumcaddii hay’adda nabad sugidda, sida ay hadalka u dhigeen.

Golaha Midowga Musharixiinta oo jawaab ka bixiyay go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Oo Ku Aadan shaqo  ka joojinta Agaasimiha Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

“Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday waxa uu caadeystay in uu saaxiibkiis kala weyn yahay Xuquuqda Muwaadinka, Dastuurka Dalka & Danta Qaranka” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta.

Ugu dambeyn waxay ka soo horjeesteen qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, iyaga oo tilmaamay in lagu carqaladeynayo inay cadaalad hesho Ikraan Tahliil Faarax.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...