Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Weerar Lagu Qaaday Muwaadiniin Soomaaiyeed oo ka Dhacay Magaaada Toronto Ee Dalka Canada

Toronto (Halqaran.com) – Allaah ha u naxariistee Sahal Maxamed Sahal oo 35 sano jir ahaa ayaa Sabtidii lagu dilay magaalada Toronto ee dalka Canada, waxaana sida ay sheegeen Booliska Toronto Sahal iyo laba gabar oo la socday rasaas lagu furay, xilli ay waddada marayeen.

Saddexdooda ayaa dhaawac ahaan loo geeyay Isbitaalka, Allaha u naxariisee Sahal oo markii dambe u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray weerarka.

Ilaa iyo hadda booliska ma aysan soo bandhigin cid lala xiriirinayo falkan, balse waxey sheegeen in la arkayay gaari cad oo goobta ka baxaya, ayna socodaan baaritaanno lagu ogaanayo dadka ka dambeeyay falkan.

Dadka goobta ka agdhawaa, ama haya muuqaallo la xiriira dhacdadan ayaa laga codsaday inay la xiriiraan booliska.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...