kabul (Halqaran.com) – Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu soo gabagaboobay joogitaankoodii militari ee waddanka Afghanistan, waxaan diyaaradihii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Kabul hal daqiiqo kahor saqdii dhexe .
Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku soo gabagabeeyay howlgal ka militari ee uu qaaday 20 sano ka hor.
Sarkaal sare oo ka tirsan Taalibaan ayaa VOA -da u sheegay,Waxuu na yiri “Dhammaan xoogaggii ajinabiga ahaa ee dalka qabsaday waxay daqiiqado kahor ka baxeen dalka.
Bixitaanka diyaaradda ugu dambeysay ayaa muujineysa dhammaadka dagaalkii ugu dheeraa ee Mareykanka uu galo iyo dadaal daadgurayn ballaadhan ahaa oo billowday 14 -kii Ogoosto, wax yar ka dib markii Taliban ay qabsatay waddanka.
Gen McKenzie oo dusha kala socday soo bixitaanka Mareykankaa yaa sheegay in guud ahaan, diyaaradaha Mareykanka iyo isbahaysiga ay daadgureeyeen in ka badan 123,000 oo rayid ah, taas oo celcelis ahaan noqoneyso in ka badan 7,500 oo rayid ah maalintiiba.
Hawlgalka ka bixitaanka Mareykanka ayaa dhammaaday kahor wakhtigii uu cayimay Madaxweyne Joe Biden oo ku beegan saqda dhexe ee Talaadada.
Madaxweynaha Mareykanka, Biden, ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay xubnaha xisbigiisa iyo kan Jamhuuriga sida uu u maareeyay Afghanistan tan iyo markii Taaliban ay si degdeg ula wareegtay magaalada Kabul.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





