Muqdisho (Halqaran.com) – Munaasabad ballaaran oo loogu dabbaaldagay xuska 1-da Luulyo oo ah maalinta xorriyadda iyo midnimada dalka ayaa lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeybgalay, Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ra’isuul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha shacabka iyo mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda.
Soomaaliya ayaa maanta xusaysa 61 sano guuradii ka soo wareegatay kowda Luulyo 1960, iyadoo munaasabadda suugaan kala duwan ku soo bandhigeen fanaaniinta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, boqolaal kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale ka qeybgalay xuska maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





