Thursday, June 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Turkiga oo qalab caafimaad oo looga hortagayo Coronavirus ugu deeqday DFS

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomaya qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka COVID19.

Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Wasiirrada ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaarado kale oo gargaar caafimaad sida ay maalamaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan ee COVID-19.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...