Monday, May 25, 2026
26.9 C
Mogadishu

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un oo mar qura meel fagaaro ah ka soo muuqday

South Korea (Halqaran.com) – Hoggaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong-un ayaa soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah.

Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in dadkii ku sugnaa warshadda ay aad u farxeen markii ay arkeen hoggaamiye Kim Jon Un.

Kuuriyada Waqooyi oo ah dal ay adag tahay in laga helo xog ku saabsan madaxda sare ee dalkaas, waxaana adkaatay in la xaqiijiyo xaaladda caafimmaad ee Kim.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar kale oo sheegaya in hoggaamiyaha dalkaas uu galay qalliin dhanka wadnaha ah. Waxaa sidoo kale soo baxay warar kale oo sheegaya in Kim Jong Un uu nool yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...