Monday, May 11, 2026
27.3 C
Mogadishu

Ciidamada Koonfur Galbeed oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Baay

Baydhabo (Halqaran.com) – Hawlgal qorsheysan oo ay sameeyeen Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa u suuragashay in Shabaab ay kala wareegaan deegaano ka tirsan Gobolka Baay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada ammaanka ay gaareen deegaano markii hore Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Mahad Cabdi raxmaan Aadan ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay gaareen tuulooyinka Goof-Gaduud Buurey , Awdiinle, buulo Jebi iyo tuulooyin kale oo ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab.

Intii hawlgalkaasi lagu guda jiray Taliyaha ma uusan sheegin in Shabaab dagaal uu dhexmaray iyo in kale, balse sida Warbaahinta uu u sheegay Ciidamada Maamulka ayaa gaaray deeganadaasi.

Sidoo kale, taliyaha booliska Gobolka Baay ayaa sheegay in qorshaha uu yahay inay gaaraan deegaano kale oo Shabaab ay gacanta ku hayaan, si goobahaasi looga saaro.

Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa ku sugan deegaano badan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyaga oo si toos ah gacanta ugu haaya, halka deegaano kale ay go’doomiyeen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...