Nairobi (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa heshiis la gaaray Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh.
Heshiiskan oo ah mid lagu soo afjarayo kala duwanaanshahooda siyaasadeed ee Jubbaland ayaa waxay ku wada saxiixdeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dhinacyadan ayaa waxay ku heshiiyeen toddobo qof, sida lagu baahiyay Telefishinka Jubbaland, oo ku hadla afka maamulkaasi.
Dhinacyadan oo la magac baxay isbahaysiga is bedeldoonka ee Jubbaland ayaa hadda ka tanaasulay mowqifkoodii ahaa in jegada laga tuuro Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa heshiiskan kaga gudbaya khilaaf muddo dheer soo taagnaa oo kala dhaxeeyay xubnahaasi, kadib markii ay ku kala irdhoobeen doorashadii 22-kii bishii August ee sanadkii hore ka dhacday Magaalada Kismaayo, laguna soo doortay Axmed Madoobe.
Halka hoose ka akhriso Heshiiska Siyaasiyiinta Jubbaland:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com













