Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ka dhacay Degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Jamhuuriya.
Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala damacsanaa gaari cabdi bile ah oo meesha maraayay, balse Qaraxa ayaa dhacay markii uu gaariga gudbay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay qaraxaasi inay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah oo meesha ka agdhawaa, sidoo kalena ay ku bur bureen Mootooyin Bajaaj.
Illaa afar ruux oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay qaraxaasi inay ku dhaawacmeen, lama soo warin dhimasho, balse dadka qaar ayaa xaaladooda ay liidatay oo meesha laga qaaday.
Ururka Al Shabaab ayaa badanaa miinooyinka noocaan oo kale ah waxa ay ku aasaan waddooyinka ay maraan Ciidamada dowladda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






