Friday, May 15, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Reccep Erdogan oo ka soo hor-jeestay is-casilaadda wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga

Ankara (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Turkey, Reccep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii diiday inuu aqbalo is-casilaadda wasiirkiisa arrimaha gudaha oo ka dhalatay xanibaad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay taasi oo hogaamisay in dadku ku cararaan dukaamada ayagoo argagaxsan.

Wasiir Suleyman Soylu ayaa la kulmay cambaareyn xooggan kadib markii bandow 48 saac ah oo looga hortagayo faafitaanka cudurka Coronavirus lagu dhawaaqay Jimcihii, ayada oo shacabka la siiyey kaliya ogeysiis laba saac ah.

Go’aankaas ayaa kumanaan qof ku qasbay inay ku cararaan suuqyada, taasi oo jebisay xeerkii kala fogaanshaha bulshada.

Waddooyinka magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ayaa sidoo kale buuxsamay ayadoo la arkayey safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada cuntada, bankiyada iyo goobo kale.

Isaga oo ka jawaabaya jahwareerka arrintan ka dhashay, ayaa Soylu waxa uu sheegay in go’aanka lagu joojiyey dhaq-dhaqaaqa dadka uu “amray” madaxweynaha.

Hase yeeshee, wasiirkan arrimaha gudaha ee awoodda badan islamarkaana 50 jirka ah ayaa Axaddii aqbalay “mas’uuliyadda buuxda ee fulinta amarkan” taasi oo uu sheegay in si daacad ah loo fuliyey.

Si kastaba, Erodgan ayaa diiday inuu aqbalo is-casilaadda Soylu. “Wuxuu sii wadi doonaa howlihiisa,” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, kadib jahwareerkii hore ee ka dhashay xanibaadda ayaa dhaqan-gashay, waxaana u hogaansamay inta badan shacabka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...