Saturday, May 9, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha K/Galbeed ‘Laftagareen‘ oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladda Federaalka oo kashanaysa Dowlad Goboleedyada Dalka ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.

“Waxaan Amaan iyo Bogaadin Udireyaa Ciidanka Xooga Dalka Gaar ahaan kuwa Howlgalada kawada Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Guud ahaan Deegaanadda Koonfur Galbeed Guulaha Wax ku oolka ah ee ay ka Gaareen Xureynta Deeganada iyo Ciribtirka Argigixisada Waxaan Geesiyaasha Uhurey Naftooda ee ka Tirsan Ciidanka Xooga Dalka ugu Hambaliyeynaya Sanad Guurada 60aad ee kaso Wareegatay Aas aska Ciidanka.”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed ee Naftooda ku Wayey Difaaca Dalka Dadka iyo Diinta Waxaana ilaah uga Bariyey Kuwa udhaawacmay Difaaca Dalka inuu Caafimad Deg Deg ah Ilaah Siiyo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...