Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Sabtidii maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardargelinta iyo ka mira-dhalinta qorshaha sugidda amniga deegaanada Galmudug.
Waxaa ka qeybgalay shirkan, taliyeyaasha Amniga deegaanada maamulka Galmudug ee booliska nabad suggida iyo Militariga.
Madaxweynaha Galmudug ‘Qoor Qoor‘ ayaa ka dalbaday Saraakiisha Amniga dardargalinta howlaha xaqiijinta ammaanka deegaannada maamulka Galmudug.
Qoorqoor ayaa ugu dambeyn, sheegay, in loo baahan yahay in ay laba jibaaraan howlgallada ammaanka lagu xaqiijinaayo ee dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com








