Kismaayo (Halqaran.com) – Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ayaa ganacsatada Jubbaland uga digay in aysan kordhinin qiimaha badeecadaha ay iibiyaan iyaga oo ka faaiidaysanaya xaaladda uu keenay Cudurka Coronavirus (COCID-19).
Maamulka Jubbaland ayaa sheegtay aysan aqbali doonin in Ganacsatadda ay faa’iido ka raadinayan saameynta cudurkaasi.
Sidoo kale, maamulka waxa uu sheegay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto Ganacsatada qaaliyeeyay maceeshada si ay uga faa’idaystaan werwerka Cudurka Coronarirus awgii.
Maamulka Jubbaland ayaa xusay, in ay diyaar garow ugu jirto ka hor-tagga saameynta dhaqaale ee uu cudurka Caronavirus keeni karo, isaggoo Ganacsatada ugu baaqay inay waajib iska saaraan daryeelka Bulshadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






