Saturday, May 30, 2026
27.4 C
Mogadishu

XOG: Maxaa ka jira in la xiray Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho? (Ogow Sababta)

Isbitaalka Digfeer ee dib u habeynta uu ku sameeyay Turkiga.

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar ay haleyso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho la xiray, kaddib markii looga cabsooday faafitaanka cudurka Coronavirus (COVID-19).

Dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka Digfeer ayaa lagu soo warramayaa in laga helay Covid-19 sababta ugu wayn ee Isbitaalka loo xirayna ay tahay arrintaasi, kadib markii maamulka Isbitaalka ay go‘aamiyeen arrintaan, sida saraakiil ka tirsan Isbitaalka ay xaqiijiyeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in saraakiisha kaliye ay u furan tahay qeybta gurmadka deg-deg ah ee loogu tala-galay dadka dhaawacyada ah iyo haweenka foosha ah.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya, in xaalad deg-deg ah lagu soo rogay isbitaalka, islamarkaana la karantiilay dhaqaatiir, shaqaale iyo howlwadeeno ka tirsan isbitaalka Digfeer, kuwaas oo la sheegay in looga shakiyey cudurka halista badan ee Coronavirus.

Arrintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Jimicihii shalay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay shaacisay illaa 9 xaaladood oo Fayraska Corona ah oo saddex ka mid ah dadka laga helay ay ka howlgalayeen Isbitaalka Digfeer.

Ugu dambeyn, cabsida laga qabo faafida Cudurka Coronavirus (COVID-19) ee Soomaaliya ayaa sii kordheysa marba marka ka dambeysa, waxayna dowladda federaalka ah ay wadaa dadaallo lagu xakameynayo cudurkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...