Monday, April 27, 2026
28 C
Mogadishu

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida: ”Nolol iyo geeri halagu keeno maleeshiyaadkii dadka ku laayay Wanlaweyn”

Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute

Wanlweyn (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa amartay in la soo qabto maleeshiyaadkii dadka ku laayay Degmada Wanlwayn, waxaana la amray Ciidamasa nolol iyo geeri inay ku soo qabtaan maleeshiyaadkaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute oo shalay tegay Degmada Wanlaweyn ayaa ku amray Saraakiisha Ciidamada Danab inay keenaan maleeshiyaadkii dadka ku laayay deegaankaasi.

Gaashaanle Shuute ayaa sheegay amar maxkamadeed inay u haystaan Ciidanka inay nolosha dhaafiyaan qof kasta oo diidan nolosha iyo deganaanshaha dadka ku nool Degmada Wanlaweyn.

Todobaadkaan gudihiisa Wanlaweyn waxaa ka dhacay falal ka baxsan bini’aadinimada kadib markii dad nolosha lagu gubay, halka qaar kalena la gowracay sida Odayaasha deegaankaasi ay sheegeen.

Labada maleeshiyo beeleed ee dhibaatada isugu gaysatay Degmada Wanlaweyn ayaa ka soo kala jeedaa laba qabiil oo deegaan ku wada ah Magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...