Friday, May 1, 2026
29.9 C
Mogadishu

UPDATE: Shirkadda Turkish Airline oo si rasmi ah u joojisay duulimaadyadii ay sameyn jirtay

Turkey (Halqaran.com) – Shirkadda duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Turkish Airline ayaa si rasmi ah u shaacisay inay joojisay duulimaadyadii ay ka samayn jirtay gobollada iyo magaalooyinka waddanka Turkiga dhexdiisa ilaa iyo inta laga gaarayo 20-ka April.

Shirkadda ayaa arrintan ku sheegtay inay qayb ka tahay tallaabooyinka looga hor tagayo faafitaanka fayraska Corona (COVID-19), waxayna si toos ah ugu dhawaaqday in la joojiyay duullimaadyadeedii gudaha dalkaas.

Bilaal Akshi oo ah ggaasimaha guud ee Shirkadda Turkish Airline ayaa arrintan la wadaagay warbaahinta dalka Turkiga, gaar ahaan wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadoul.

Sidoo kale, wuxuu qoraal ku soo daabacay bartiisa Twitter-ka, isagoo si rasmi ah u xaqiijiyay in duulimaadyadii gudaha dalka ay joojiyeen.

Agaasime Akshi ayaa tilmaamay in ay qaadayaan tallaabo kasta oo ay u arkaan inay u wanaagsan tahay dagaalka lagula jiro cudurka dhibaatada badan ku haya caalamka ee Coronavirus.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...