Friday, July 17, 2026
25.4 C
Mogadishu

UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaare geystay oo ka dhacay Jowhar

Jowhar (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya, in magaaladaasi uu ka dhacay qarax geytay khasaare.

Inta la xaqiijiyay qaraxani ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka ay shan ruux oo kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxani uu ka dhacay boosteejada laga raaco baabuurka aada caasimadda Muqdisho.

Halka qaraxa uu ka dhacay ayaa sidoo kale la sheegay inay ka dhawaayeen guryaha ay degan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle. Waxaana ka mid ah wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkasi, Maxamed Caadle.

Sidoo kale, goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku yaalla maqaayad ay dad badani ay joogeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu ahaa miino.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...