Wednesday, July 8, 2026
25.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya, Farmaajo oo cafis u fidiyay 148 Maxbuus Fayraska Corona awgiis

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xoojinaya dadaallada ku aaddan ka hortagga cudurka Koroona ayaa Cafis Madaxweyne u fidiyey 148 maxbuus oo u xukunnaa dambiyo fudud.

Madaxweynaha ayaa soo saaray xeerka cafinta xukumaneyaashan kaddib warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo uu u soo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka in ay dadaal mug weyn geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin.

Si waafaqsan Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu xukumaneyaashan u fidiyey Cafis Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u xukunneyn falal danbiyo culus.

Cafiskan oo aan saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah waxaa fulin doona Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyada oo la raacayo awaamiirta ku xusan xeerkan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...