
Beledweyne (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya, in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen nin xaaskiisa ku dhex dilay gudaha magaaladaasi.
Marxuumadda la dilay, ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shukri Indhacade, waxayna ka mid aheyd haweenka jaadka ku iibin jiray Magaalada Beledweyne, islamarkaana waxaa la sheegay saygeeda muran inuu ka dhex taagnaa muddooyinkii dambe.
Falka dilka haweenaydan ayaa ninkeeda wuxuu u adeegsaday toorey, waxaana dhacday iyadoo dhaawac ah in laga qaaday guriga, balse ugu dambeyn Isbitaalka ay ugu geeriyootay dhaawicii soo gaaray.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in gacan ku dhiiglaha uu ku xiran yahay saldhiga magaalada Beledweyne, waxaana socda qorshe ay wadaan saraakiisha ammaanka inay ninkaasi xaaskiisa dilay ay maxkamad soo saaraan.
Gobollada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca falalka noocaan oo kale ah oo ragga qaar ay ku dilaan xaasaskooda, kuwaasi oo Siyaabo kala duwan dilka u gaysta.
Ugu dambeyn, shacabka reer Beledweyne ayaa si weyn u hadal haayo dhacdadan oo dhacday xalay, waxaana hadal haynta maanta Magaalada ay tahay ninka dilka u gaystay xaaskiisa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





