Thursday, June 18, 2026
26.5 C
Mogadishu

Sidee buu uga dhaqan galay magaalooyinka Puntland bandowgii lagu soo rogay?

Garowe (Halqaran.com) – Magaalooyinka Puntland ayaa waxaa ka dhaqan galay Bandow uu soo rogay Maamulka Puntland, kaasi oo ku aadan muddo 15 cisho ah, xilliga habeenkii wax dhaq dhaqaaq ah in aan laga sameyn karin Magaalooyinka Puntland.

Magaalooyinka, Garoowe, Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Boosaaso, Qardho, Carmo iyo deegaano badan oo ka tirsan puntland ayuu amarka bandowga ah ka dhaqan galay, waxaana wadooyinka lagu arkayay ciidamo fara badan oo fulinaya amarka Madaxda sare ee puntland.

Dadka degan Magaalooyinkaan ayaa xalay 6dii Maqribnimo ku xarooday guryahooda, mana jirin dhaq dhaqaaq isu socod ah oo dadka ay sameynayeen.

Taliye Qeybta Booliska Puntland Janeraal Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Guud ahaan deegaannada Puntland uu ka dhaqan galay bandowga,isla markaana dhamaan ay hakad galeen isku socodka dadka iyo Ganacsiga habeenkii.

Maamulka Puntland ayaa sheegtay ujeedada bandowga loo soo rogay inay tahay sidii looga hortagi lahaay Covid-19 oo saameyn badan ku yeeshay dunida Soomaaliyana ay isku dayeyso inay ka hortagto xanuunkaasi.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...